Sheekh Sabaax: "Hormuudkii diblumaasiyadda Carabta" oo dhintey

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Amiirkii waddanka Kuwayti, Sheekh Sabaax Al-Axmed Al Sabaax, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ku geeriyooday da'da 91-jir, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladdaas Carbeed.

Walaalkiis 83-jirka ahna dhaxal-sugaha waqti xaadirkan taashka boqortooyadda sugaya, Sheikh Nawaf al-Ahmed, ayaa lagu wadday in uu bedelo.

Bishii Julaayo, Sheekh Sabaax wuxuu u dhoofay Mareykanka si loogu soo sameeyo qaliin aan la shaacin meesha illaa hadda looga sameeyay.

Kursiga ugu sareeya waddankaas hodanka ku ah Saliida ayuu ku fadhiyey tan iyo 2006-dii, wuxuuna 50 sano hagayey siyaasada arrimaha dibada.

"Hormuudka diblumaasiyadda Carabta" ayuu ku muteystay in loogu yeero dedaaladiisa uu kusoo celiyo xiriirka dowladaha taageerayey Ciraaq mudadii uu socday dagaalka Khaliijka ee sanadihii 1990 illaa 1991-dii.

Marxuumka oo ay jiraan dad naqdinaya ayaa door dhexdhexaadin ah ka cayaaray is-qabqabsiyo heer gobol ah oo ay ku jirto kala xarig-forashadii diblumaasiyadeed ee xulafada Sacuudiga ku go'doomiyeen Qadar.

Sheekh Sabaax ayaa laba jeer - 1963 ilaa 1991 iyo 1992 illaa 2003 - wuxuu noqdey wasiirka arrimaha dibadda. Ra'iisul wasaare ayuu ka ahaa boqortooyadii Sheikh Jaber al-Ahmad al-Jaber al-Sabah.

Xilkaan uu haatan ku dhintay wuxuu 2006-dii kala wareegay Amiir Sheikh Saad al-Abdullah kaasoo is casilay markii baarlamaanka u dhaqaaqay in uu u eryo sababo la xiriira caafimaad darro.

Qoyska reer Sabaax ayaa in ka badan 260 sano xukumaya Kuwait oo dadka ku nool ay dhan yihiin 4.8 milyan kuwaasoo 3.4 milyan oo kamid ah ay yihiin shaqaale ajaaniib ah.

Kuwait ayaa sidoo kale waxay ka fogaatay in ay farageliso dagaalka sokeeye ee Suuriya, taas bedelkeeda waxay martigelisay shirar heer caalami ah kuwaasoo dhaqaale loogu uruuriyey dhibaatada bini'aadanimada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM