Shiinaha: Hal bilyan shaqo ayaan ka abuuri donna Afrika

Image
Maalingelintan ayaa waxaa ku jirta deyn iyo "noocyo kala duwan oo gargaar ah".

BEIJING, China - Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday in uu "ugu yaraan" hal milyan oo shaqo ka abuuri doono Afrika isaga oo doonaya in uu Beijing ka dhigo saaxiibka horumarka ee Koonfurta Caalamka.

Isagoo ka hadlayay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika Khamiista maanta ah, Xi ayaa sheegay in Beijing ay siin doonto waddamada Afrika $51 bilyan oo ah maalgelin cusub.

Maalingelintan ayaa waxaa ku jirta deyn iyo "noocyo kala duwan oo gargaar ah", iyo inay taageerto 30 mashruuc oo kaabayaasha ah si kor loogu qaado isku xirka qaaradda oo dhan.

Hadalka Xi ayaa imaanaya iyadoo Beijing ay dooneyso inay ballaariso saameynta ay ku leedahay Afrika iyadoo ay sii kordhayaan kala duwanaanshiyaha dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee dalalka reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka.

Dadaalka Beijing ayaa sidoo kale timid iyadoo dhaqaalaha labaad ee ugu weyn adduunka uu hoos u dhacayo iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin dhibaatada hantida oo daba dheeraatay iyo tirada dadka oo hoos u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM