Shiinaha oo dhaliilay weerarka Israa'iil ee Qasa

Image

QASA - Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Axaddii sheegay in ficillada Israa'iil ee ka waddo Qasa ka dib weerarkii Xamaas ay "dhaafeen xadka is-difaaca", dowladda Israa'iilna ay tahay inay joojiso "ciqaab wadareedka ee kula kacayso dadka deggan marinka.


Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa intaa ku daray in Shiinuhu uu aaminsan yahay in cadaalad darada taariikhiga ah ee ka dhanka ah Falastiin, taas oo socota in ka badan nus qarni aysan sii socon karin.


Docda kale, In ka badan 1,300 oo qof ayaa lagu dilay weerar ay Xamaas ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, halka jawaabta Israa’iil ay horseeday in in ka badan 2,329 qof oo ay ku jiraan 700 oo carruur ah lagu dilay marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM