Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

Image
NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

BEINING, China - Shiinaha ayaa asbuucaan hawada sare u diraya dayax-gacmeed oo uu ciidd iyo dhagxaan ka soo ururiyo dhinaca gadaale ee dayaxa ee aan ku soo jeedin dhulka.

Shiinuhu wuxuu horumar ka sameeyay sahaminta dayaxa, kagana hormaray Mareykanka iyo Ruushka. Wuxuu dhawaan xaqiijiyay in aaga dayaxa laga helayo biyo baraf ah. 

NASA oo ah hay’ad lagaleeyahay maraykan ka ayaa walaac ka muujisay hawlgalka shiinuhu ku tagayo dayaxa ayagooo sheegay in ay ka walwal qabaan in shiinuhu hadhoow sheegto biyahaya dayaxa in isagu uuleeyahaay.

Hawlgalka dayaxa ee Shiinaha ayaa noqonaya mid aan waddan waligeed samayn oo ah in dayaxa dhinaca shishe looga baxo halka hawlgaladii gore ee lasameeyay ay ku ekaayeen afka hore ee dayaxa dhanka ku soo jeeda dhulka. 

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM