Shiinaha oo markab ciidan u soo diray biyaha Soomaaliya

Image
Image
Image

BEIJING, China - Markab ay leeyihiin ciidamadda badda waddanka Shiinaha ayaa loosoo diray biyaha Soomaaliya. Socdaalka markabkan ayaa wuxuu noqonayaa kii 38aad tan iyo markii uu howlgalku bilaabay.

Dekadda taliska milatariga China uu gacanta ku hayo ee ku taala magaalada Zhoushan oo hoostagta gobolka bariga ku yaala ee Zhoushan ayuu markab kasoo hayaamay Sabtida maanta ah.

Sida uu daabacay bogga BigNewsNetwork, markabka ayaa galbinaya maraakiib shacab kuwaasoo safarkooda kusoo wajahan yahay Gacanka Cadan iyo meelo ka baxsan bada Soomaaliya.

Maraakiibta la galbinayo waa saddex lagu kala magacaabo Nanjing, Yangzhou, iyo Gaoyouhu oo ay la socdaan tobanaan ka mid ah askarta hawlgalka gaarka ah ee China iyo laba helikobtar.

Nanjing ayaa ah nooca burburiya gantaaladda, halka Yangzhou uu yahay nooca laga hago sawaariiqda, sida ku xusan warbixinta. Waa markii ugu horeysay ee Nanjing uu ku biiro howlgalka galbinta.

Bishii December, 2008-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee Markabka Ciidamadda Badda Shiinaha uu Gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya ka bilaabay howlgaladda galbinta maraakiibta.

Biyaha Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ka dhacaan fal-dambiyeedyadda baddaha isla markaana aysan si weyn ugu baraarugsaneyn lana tacaalin dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM