Shiinaha oo markab ciidan u soo diray biyaha Soomaaliya

Image
Image
Image

BEIJING, China - Markab ay leeyihiin ciidamadda badda waddanka Shiinaha ayaa loosoo diray biyaha Soomaaliya. Socdaalka markabkan ayaa wuxuu noqonayaa kii 38aad tan iyo markii uu howlgalku bilaabay.

Dekadda taliska milatariga China uu gacanta ku hayo ee ku taala magaalada Zhoushan oo hoostagta gobolka bariga ku yaala ee Zhoushan ayuu markab kasoo hayaamay Sabtida maanta ah.

Sida uu daabacay bogga BigNewsNetwork, markabka ayaa galbinaya maraakiib shacab kuwaasoo safarkooda kusoo wajahan yahay Gacanka Cadan iyo meelo ka baxsan bada Soomaaliya.

Maraakiibta la galbinayo waa saddex lagu kala magacaabo Nanjing, Yangzhou, iyo Gaoyouhu oo ay la socdaan tobanaan ka mid ah askarta hawlgalka gaarka ah ee China iyo laba helikobtar.

Nanjing ayaa ah nooca burburiya gantaaladda, halka Yangzhou uu yahay nooca laga hago sawaariiqda, sida ku xusan warbixinta. Waa markii ugu horeysay ee Nanjing uu ku biiro howlgalka galbinta.

Bishii December, 2008-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee Markabka Ciidamadda Badda Shiinaha uu Gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya ka bilaabay howlgaladda galbinta maraakiibta.

Biyaha Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ka dhacaan fal-dambiyeedyadda baddaha isla markaana aysan si weyn ugu baraarugsaneyn lana tacaalin dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM