Shiinaha oo qorsheynaya inuu fariisin ciidan ku yeesho Jabuuti

Image

May 10, 2015 (GO)- Shiinaha ayaa doonaya inuu fariisin ciidan ka sameysto dalka Jabuuti, arrintaasoo haddii ay hirgasho ka dhigeysa Shiinaha dalka afraad ee fariisin ciidan ku leh wadanka Jabuuti.

Horay waxaa Jabuuti ciidamo uga joogeen dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo Japan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi gaar ah siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in wada xaajood arrintaas ku aadani u socdo xukuumadaha Beijing iyo Jabuuti, xilliganna uu gaba gabo ku dhow yahay.

"wada xaajood ayaa noo socda...in Beijing halkan joogitaan ku yeelato aaad baan usoo dhoweyneynaa" ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti isagoo intaas raaciyey in tallaabadani wax dhib ah ku keeni doonin xiriirka Jabuuti kala dhexeeya wadamada reer galbeedka.

Haddii qorshahani noqdo mid hirgala, waxay Dowladda Shiinuhu fariisin militeri ka sameysan doontaa dekedda caalamiga ah ee Jabuuti, dekeddaas oo sanadkii hore maamulkeeda lagu wareejiyey shirkad isla wadanka Shiinaha laga leeyahay.

Maraykanka iyo Faransiiska oo xifaaltan siyaasadeed kula jira Shiinaha ayaa sida dadka siyaadda faaloodaa saadaalinayaan, aan ku farxi doonin in Shiinuhu joogitaan militeri ku yeesho Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM