Shiinaha oo si dadban digniin ugu diray Mareykanka

Image

BEJING, China - Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ka digay in quwadaha shisheeye ay "isku dayaan in madaxa dalkiisa hoos-aadiyaan" iyo "in ay cabsi-geliyaan" ama saameyn ku yeeshaan wadankiisa.

Xi ayaa hadalkan wuxuu kaga dhawaajiyey munaasabad lagu xusayay boqol-jirsiga Xisbiga Talada haya ee Talada haya ee Shuuciga ah taasoo qabsoontay Khamiistii shalay ahayd.

Mr Xi ayaa sidoo kale wuxuu cod dheer ku sheegay in Beijing aysan ogolaan doonin "sheegashooyinka maqadaska ah"; dhawaqan waxaa loo maleynayaan in ay ku wajahan yihiin waddanka Mareykanka.

Dhawaqan ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Shiinuhu wajahayo cambaareyn la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq la sheegay in uu ka geystay Hong Kong

Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyadda oo ay hareeyeen xifaaltanka ka jira dhinacyadda ganacsiga, basaasnimada iyo aafada.

Arrinta Taiwan sidoo kale xudunta isha ugu weyn ee xiisadda. Inkasta oo Taiwan oo dimoqraadi ah ay isu aragto dal madax-bannaan, haddana Beijing waxay u aragtaa jasiiradda ama gobol ka go'ay.

Mareykanka waxaa ka jira sharciyo gaar ah kuwaas oo xeerinaya in Washington ay u gurmaneyso ayna difaaceyso Taiwan haddii xukuumadda Beijing ay isku dayo in xoog u isticmaasho soo ceshashadda jasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM