Shiinaha oo u jawaabay dalka Mareykanka

Image

BEJING- Af-hayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa been abuur ku tilmaamay eedeynta ah, in dowladda Ruushka ay ka codsatay gargaar milatari.

Hadalka af-hayeenka ayaa imaanaya kadib markii saraakiil aan magacyadooda la xusin ay u sheegeen wargayso badan oo Mareykanka ka hawl gala, in dowladda Ruushka ka codsatay Shiinaha kaalmo milatari.

Tani ayaa sababtay in dowladda Mareykanka uga digto xukuumada Beijing in haddii ay caawiso Ruushka ay cawaaqib xun kala kulmi doonto

Xukuumada Beijing ayaa ku eedeysay Washington in ay faafineyso warar aan sal iyo raad lahayn.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in taasi badalkeeda dowladda Shiinaha door muhiim ah ka qaadatay nabadeynta iyo wada hadaladda labada dhinac.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM