Shil diyaaradeed oo ka dhacay Nepal

Image

Diyaarad rakaab ah ayaa burburtay oo dab qabsaday wax yar kadib markii ay ka duushay caasimadda Nepal ee Kathmandu, waxaana ku dhintay 18 qof, sida ay sheegeen saraakiisha duulista.

Duuliyaha ayaa ahaa qofka kaliya ee ka badbaaday shilka, waxaana lagu daweynayaa cisbitaal, Maamulka Duulista Rayidka ee Nepal ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

19 qof oo ku jiray duuliyaha ayaa la socday diyaaradda Saurya Airlines.

Nepal waxay leedahay dhabbaha dayuuradaha ku degtaan kuwa aduunka ugu halista badan ee lagu soo dego. Cimiladu si dhakhso ah ayey isu bedeshaa buuraha o barafka uu daboolo, taasoo ah xaalado duullimaad oo khatar ah.

Shilkii ugu dambeeyay ee duulimaad wuxuu ahaa Jan. 2023 markii diyaaradda Yeti Airlines ay ku burburtay Pokhara, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 72 qof oo saarnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM