Shilin dahab ah lana qariyey qarnigii todobaad oo la helay

Image
Khubaro qaabilsan cilmiga qadiimiga ayaa ka helay magaalo ay qabsadeen Muslimiinta qarnigii 7aad.

TEL AVIV, Israel - Khubarada cilmiga qadiimiga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 44 xabo shilin oo dahab ah oo saafi ah oo la xidhiidhay qarnigii 7aad laga helay gidaar ku yaalla kaydka dabiiciga ah.

Miisaankiisu wuxuu dhan yahay 170g kaydkan laga helay goobta Hermon Stream (Banias) ayaa la qariyay intii lagu jiray qabsashadii Muslimiinta ee aagga 635, sidda ay qiyaasayaan khubarada.

Waxa ay sheegeen in lacagta shilinka ah ay iftiiminayso dhamaadka xukunkii Byzantine ee deegaanka.

Boqortooyada Byzantine waxay ahayd qaybta bari ee Boqortooyada Roomaanka, taas oo badbaaday in ka badan 1,000 sano.

"Waxaan qiyaasi karnaa milkiilaha uu lacagta ka qariyey hantidiisa khatarta dagaalka, isagoo rajeynaya inuu soo laabto maalin maalmaha ka mid ah si uu u soo saaro hantidiisa," ayuu yiri Yoav Lerer, oo kamid ah khuburadda.

Marka laga reebo helitaanka dahabka ah, gidaarka la qodey - oo ku yaal meel rubuc ka mid ah magaalada qadiimiga ah - ayaa sidoo kale daaha ka qaaday haraadiga dhismayaasha, kanaalada biyaha iyo tuubooyinka, qadaadiicda naxaasta ah iyo waxyaabo kale oo badan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta Israa'iil.

Banias ayaa waxay leedahay meel gaar u ah dhaqanka Masiixiyiinta ah, ayaga oo ku sheega goobtii la wariyey in Nabi Ciise ugu sheegay Butros, "Dhagaxa dushiisa, waxaan ka dhisi doonaa kaniisaddayda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamaas oo sheegtay inay oggolaatay hub ka dhigista, Trump-na ku tilmaamay “guul taariikhi ah”

Sarkaalka sare ee Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in heshiisku si cad…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:00AM

Kumannaan Dhalinyaro Moroccan ah oo Galay Spain

Ciidamada ammaanka Morocco ayaa la sheegay inay xireen qaybo ka mid ah aagga xadka isla markaana ay xireen dad dhowr ah.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 07:43AM