Shir looga hadlay xaalada Falastiin oo ka dhacay dalka Sacuudiga

Image

RIYAAD-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa xaqiijiyay diidmada aan mugdi ku jirin ee Boqortooyada Sacuudiga iyo cambaareynta dagaalka xaq darada ah ee Israel ay ku hayso Falastiin.

Amiir Maxamed waxa uu ku tilmaamay "masiibo bini'aadantinimo oo daaha ka qaaday guul-darrooyinka Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka si ay u xakameeyaan xadgudubyada cad ee Israa'iil."

Wuxuu ku celceliyay baaqa ah in si deg deg ah loo joojiyo howlgalada ciidamada, lana sameeyo jidad bini’aadantinimo oo lagu samata bixiyo dadka rayidka ah.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa hadaladiisa jeediyay isagoo guddoominaya oo furaya shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka ee ka dhacaya Riyadh Sabtida maanta ah.

 

GAROWEONLINE.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM