Shir saddex Geesood ah oo Masar ka furmay

Image
SAWIR HORE

CAIRO - Magaalada Calamiin oo dhacda waqooyi galbeed ee dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah shir ku dhex maraya madaxda Dalalka Masar, Urdun iyo Falastiin.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa madaxtooyada ku qaabilay Boqorka Urdun, Cabdulaahi Bin Xuseyn iyo Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abuu Maazin.

Safiirka Falastiin ee Masar ayaa sheegay in shirka looga tashanayo Arimaha caalamka iyo si gaar ah xaaladaha gobalka ee isbed-bedalaya.

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri: "si gaar ah sidii arinta Falastiin mawqif midaysan looga yeelan lahaa ayay wadamadu ka arinsanayaan in Falastiiniyiintu yeeshaan dowlad madax banaan oo caasimadeedu tahay bariga magaalada barakaysan ee Qudus".

Shirarkaan ayaa imaanaya xilli ay isu soo dhawaanayaan wadamada gobalka oo awal ay muddo kala geysay xurguftii khaliijka ee qaraxday 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM