Shir Somalia looga hadlayo oo ka fumaya xarunta Qarmada Midoobay

Image

28 September, 2015(GO)-Waxaa maanta lagu wada inuu ka furmo xarunta Qaramada Midoobay shir looga hadlayo arrimaha Somalia, gaar ahaan siyaasadda, amniga iyo doorashada 2016.

Shirka furmaya waxaa guddoomin doona Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon.

Arrinta ugu muhiimsan ee shirka ayaa wararka Garowe Online helayo sheegayaan inay tahay sidii looga wada xaajoon lahaa dhammaystirka hawlaha horyaalla xukuumadda Xasan Sheekh ka hor inta aan la gaarin doorashada sannadka dambe.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galaya Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxda ciidamadoodu joogaan Somalia, si looga wada-xaajoodo adkaynta amniga dalka Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale tilmaamaya inay Xasan Sheekh la kulmi doono Ra'isal wasaraha dalka Britain David Cameron iyo Boqorka Jordan oo uu kala hadli doono cawinaad la siiyo dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM