Shirka wadamada Carabta & Islaamka oo maanta ka furmi doono Riyadh

Image

RIYADH (GO) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in ay martigelin doonaan shir wadajir ah oo ay ka soo qeyb galayaan dalalka Carabta iyo Islaamka oo sabtida ka dhici doona magaalada Riyadh.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday in dalka Sacuudiga uu ka furmo labo shir madaxeed oo aan caadi ahayn oo kala ah: Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee wadajirka ah ee Carabta iyo Islaamka uu ku yimid "iyaga oo ka jawaabaya duruufaha gaarka ah ee ka dhacaya Qasa."

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid ka dib markii Boqortooyada ay la tashatay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM