Shirkada Twitter oo waji gabax kala kulantey barnaamij ay shaacisay

Image
Shaqsiyaad caan ah, xarumo warbaahineed iyo Aqalka Cad ayaa geeska ku dhuftey qorshahan.

WASHINGTON, USA - Dadka caan ah, xarumo warbaahineed iyo xitaa Aqalka Cad ayaa diiday inay iibsadaan calaamada baluuga ee shirkada Twitter-ka soo rogtey kadib markii uu iibsadey Elon Musk.

Xiddiga NBA-ga, LeBron James, ayaa yiri: "Waad qiyaasi kartaa in calaamaddayda buluugga ah ay dhowaan tagi doonto haddii aad i taqaanid, ma bixinayo shilin". LeBron James waa ciyaaryahanka ugu mushaarka badnaa ee NBA-da.

Ciyaaryahanka kubada cagta Mareykanka, Michael Thomas, ayaa sheegay inuusan dooneyn "in calaamadda baluugta ah ay usii saarnaato akoonkiisa gaarka ah ee Twitter-ka".

Jilaaga Mareykanka Jack Black ayaa shaaca ka dhigay inuu "wici doonin Elon Musk si loogu daayo calaamadda baluugta ah ee akoonkiisa kadib markii uu helay ogeysiis gaar ah".

"Wax yar ayaan ka xishoonayaa jeega buluuga ah si aan adiga daacad kuugu ahaado. Waxaa laga yaabaa inay qabow tahay inaadan jeegag haysan. Xaqiiqdii maaha wax fiican in la iibsado," ayuu tibaaxay.

Ololahan Twitter-ka ayaa banaanka yimid ka gadaal markii shirkada ay soo rogtey barnaamij ay ku fartey shirkadaha iyo dadka caanka ah in ay bixiyaan $1,000 bishii si calaamada baluugta usii haystaan.

Twitter ayaa horey usoo saartey barnaamij u ogolaanaya dadka caadiga ah in ay helaan calaamada baluuga ah balse ay bil walba bixinayaa $8 ayna fursad u helayaan tifaftir iyo baahinta qoraalo dhaadheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM