Shirkadaha Tiknoolajiyadda waaweyn oo dhimaya shaqaalo badan

Image
Arrimahan ayaa ka turjumaya saansaanta qalalaase dhaqaale oo dunida kusoo fool leh.

WASHINGTON, United States - Shirkadda Google ayaa waxay shaaca ka dhigtey in ay shaqada ka direyso 12 kun oo shaqaale ah, sidda uu shaaciyay agaasimaha shirkadda Sundar Pichai.

Arrintan ayaa waxay timid kadib hoos u dhac weyn oo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda ay dareemeen kadib sare kicii ay la kulmeen xilligii safmarka Karoonaha.

Shirkadaha kale sida Facebook, Amazon iyo Microsofta ayaa iyaguna dhammaantood dhimay shaqaalahooda, waxana bishan kaliya shaqaalaha shaqada laga direy ay gaarayaan illaa 48 kun oo shaqaale ah.

Markii uu Karoonaha dilaacay oo dadka lagu soo rogey xayiraadaha socodka ayay shirkadaha tiknoolajiyadda shaqaalaysiiyeen kummanaan qof oo buuxiya dalabaadka adeegyada dadka ee guryahooda loogu geynayo.

Balse maadaama hadda dadka ay iyaga adeegan karaan, kana maarmi karaan in guryaha wax loogu keeno, ayaa waxaa is dhimay dalabaadkii adeegyada dhanka qadka.

Shirkadda Google ayaa xiligaasi Karoonaha shaqaalaysiisay wax ku dhow boqol kun oo shaqaale ah, sidoo kalena samaysay macaash badan oo aysan waligeed samaynin.

Arrimahan ayaa ka turjumaya saansaanta qalalaase dhaqaale oo dunida kusoo fool leh, sida ay saadaalinayaan dadka u dhuun duleela arrimaha dhaqaalaha.

Dadka shaqada laga direy ayaa la saadaalinayaa in ay shaqo ka heli doonaan shirkadaha yaryar ee tiknoolajiyadda maadaamaa ay kasoo shaqeeyeen shirkado waaweyn, islamarkaasna la imanayaan xirfaddo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM