Shirkadaha Yurub oo loo fasaxay mamnuucida Xijaabka

Image

LONDON, Britain - Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa ka mamnuuci kara shaqaalaha inay ku xirtaan xijaabka goobta shaqada, sida ay Khamiista maanta ah xukmisay maxkamadda ugu sareysa Midowga Yurub.

Xukunkan ka soo baxay Maxkamada Caddaaladda ee Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in shirkaduhu ka xaddidi karaan shaqaalaha inay qaataan astaamaha diimeed iyadoo qayb ka ah mamnuucidda ballaaran ee "nooc kasta oo tusaale siyaasadeed, falsafad ama caqiido diimeed ee inta la joogo shaqada".

Sababta, ayay maxkamaddu ku dartay, "waa baahida loo-shaqeeyaha inuu u soo bandhigo sawir dhexdhexaad ah macaamiisha ama looga hortago khilaafaadka bulshada".

Si kastaba ha noqotee, maxkamadda Luxembourg waxay hoosta ka xariiqday in maxkamadaha ku yaal waddamada Midowga Yurub ay si taxaddar leh uga fiirsadaan in mamnuucidda indho-shareerka ay ku timaado baahi dhab ah oo ka timaada loo-shaqeeyaha".

Xukunka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in maxkamadaha sidoo kale ay baaraan xuquuqda iyo danaha shaqaalaha, ayna si wanaagsan u eegaan sharciyada qaranka ee ku saabsan xoriyada diinta.

Kiiskan waxaa keenay labo gabdhood oo Muslimiin ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaas oo laga mamnuucay goobahooda shaqada sababo la xiriira xijaabka - mid waxay shaqeeysaa shirkad gaar loo leeyahay oo qaabilsan daryeelka caruurta, mid kalena waa kaaliyaha iibgeynta ee ee farmashiye. Kadib markay ka soo laabteen fasaxa waalidnimada, labaduba waxay ku qasbanaadeen in ay iska qaadaan garbasaaradooda.

Maxkamadaha Jarmalka waxay kiisaska u gudbiyeen maxkamadda sare ee Midowga Yurub, iyagoo raadinaya talo ku saabsan amarka shaqada ee EU. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha way cambaareeyeen xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM