Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Image
Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

London (GO) - AstraZeneca, oo ah shirkadda weyn ee soo saarta dawooyinka, ayaa qiratay in tallaalkeeda "Covishield" uu sababi karo waxyeelooyin halis ku ah jirka bani’aadanka.

"Covichield" waxaa soo saartay AstraZeneca, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda Oxford, waxaana lagu farsameeyay Machadka Serum ee Hindiya, halkaas oo Calaamka kale loogu qeybiyay.

Shirkadda ayaa hadda wajahaysa dacwad gudaha UK, halkaas oo qaraabada dhibanayaasha 51 kiis oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac halis ah kana soo gaaray tallaalka ay codsadeen magdhow gaaraya £100 milyan.

Waxaa xusid mudan in 300,000 oo ka mid ah tallaalka AstraZeneca lagu qeybiyay gudaha Soomaaliya bishii May 2021kii, waxaana loogu tala galay shaqaalaha ka howgala Isbitaalada iyo dadka ugu nugul xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM