Shirkadda Twitter-ka oo loo haysto kirada xarunteeda dhexe

Image
Fadeexadan ayaa soo ifbaxdey tan iyo intii uu sanadkii hore la wareegay bilyan-dheerka Elon Musk.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isa soo taraya fadeexadaha iyo dhibaatooyinka haysta shirkadda Twitter-ka tan iyo intii uu sanadkii hore la wareegay bilyan-dheerka Elon Musk.

Sida ay sheegayaan warbaahinta caalamka, arrintii ugu dambeysay ee soo baxday ayaa waxay tahay in xitaa loo haysto kiradda xarunteeda dhexe ee shaqada ugu badan ka socoto.

Maxkamad ku taala magaalada San Francisco ee gobolka California ayaa laga diiwaangaliyay gal dacwadeed ay furatay shirkadda Siri Nine oo leh dhismaha xarunta u ah Twitter. Waxa dacwadani ay quseysaa wax ka badan $3 milyan doolar oo kiro ah oo ay shirkadda bixin weysay bilihii lasoo dhaafay.

Shirkad kale oo ku taala London ayaa iyaduna gal dacwadeed ka furatay maxkamad kadib markii xafiisyada Twitter ee London, UK la bixin waayay kiradooda.

Bishii lasoo dhaafay, shir kale oo ayaa iyaduna dacwad kirada la xiriirta ka furatay California oo Twitter xafiis kale ku leedahay. Tani waxay qabsatay warbaahinta caalamka.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli mulkiile Elon Musk uu qiraal ka dhiibanayo maxkamad kale oo ay soo saareen koox maalgashadayaal ah oo ku haysta qoraal uu Twitter soo dhigay oo ay sheegeen in uu ku marin habaabiyay go’aanadooda.

Mr Musk ayaa qaaday tallaabooyin uu ku dhimayo qarashka ku baxa shirkadda, isaga oo dhimay kala bar shaqaalihii, kalana direy maamulkii sare ee shirkadda.

Sikastaba, ma cadda halka ay ku dambeyn doonto shirkadda Twitter-ka, balse waxaa maalinba maalinta kasii dambeysa soo siyaadaya dacwadaha iyo dhibaatooyinka kale ee soo wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM