Shirkii La Sugayay ee Trump iyo Putin oo Ku Soo Dhammaaday Natiijo La’aan

Image

Alaska, USA – Shir si weyn loo filayay oo dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku soo dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin sidii loo joojin lahaa dagaalka Moscow ay ka waddo dalka Ukraine. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in "horumar weyn" laga sameeyay wada-hadallada ka dhacay Alaska.

Khubaro arrimaha diblomaasiyadda ayaa tilmaamay in shirkan uu Vladimir Putin u ahaa “guul diblomaasiyadeed,” kadib sannado uu Ruushku go’doon kaga jiray reer Galbeedka tan iyo duullaankii buuxa ee uu ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Putin ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay saldhig ciidan oo Mareykan ah oo ku yaalla magaalada Anchorage ee gobolka Alaska, halkaas oo uu ku galay gacan qaad iyo wejiyo furan oo uu kala kulmay Trump.

Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee Putin uu tallaabo ku dhigto dhul reer Galbeed tan iyo markii uu bilaabay weerarka Ukraine, wuxuuna farqi weyn u dhaxeyay soo dhoweynta loo sameeyay Putin iyo qaabka qabow ee Trump uu u wajahay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy markii uu booqday Aqalka Cad bishii Febraayo ee sanadkan.

In kasta oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalka Ukraine, haddana kulanka ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbeddelka xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM