Sidee ayuu Biden uga falceliyay maqnaashiyaha dhigiisa Shiinaha ee shirka G20?

Image

NEW DELHI, Hindiya - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay maqnaashiyaha dhigiisa Shiinaha, Xi Jinping, ee shirka G20 oo lagu qabanayo Hindiya toddobaadkan, isagoo ku nuuxnuuxsaday "inuu wali awoodi doono inuu arko."

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan maqnaanshaha Xi ee shir madaxeedka New Delhi, Biden wuxuu u sheegay saxaafadda, "Waan ka niyad jabay, laakiin waxaan awoodi doonaa inaan arko," isaga oo aan faahfaahin ka bixin.

Bilihii la soo dhaafay, Beijing iyo Washington ayaa dib u billaabay wada-hadalladii u dhaxeeyay iyaga oo booqasho xiriir ah ku tagay Beijing mas’uuliyiin sarsare oo Mareykan ah oo uu ku jiro xoghayaha arrimaha dibadda Anthony Blinken.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka laba geesoodka ah ayaa weli ah mid kacsan, maadaama ay jiraan faylal ay ka mid yihiiin murannada ganacsiga, iyo arrinta jasiiradda Taiwan ee madaxbannaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Khamiistii sheegay in Xi uusan ka qeybgali doonin shirka G20, isla markaana uu Ra’iisul Wasaare Li Qiang matali doono dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM