Sidee Caalamka u arkay Qorshaha Trump iyo Netanyahu ee Nabada Gaza?

Image

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Isniintii ka wada hadlay Aqalka Cad, iyagoo ku dhawaaqay qorshe nabadeed oo cusub oo la sheegay in lagu joojinayo dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Qorshahan oo ay labada hoggaamiye sheegeen inay ku heshiiyeen, wuxuu ka kooban yahay xabbad-joojin degdeg ah, sii deynta maxaabiista, iyo dhisidda guddi cusub oo la yiraahdo "Guddiga Nabadda", kaasoo mas’uul ka noqon doona dib-u-dhiska Gaza.

Trump ayaa sheegay in qorshahani ujeeddadiisu tahay in Xamaas laga saaro Gaza isla markaana lagu beddelo dowlad kumeelgaar ah oo farsamo-yaqaaniin ah (technocratic government).

“Waxaan qabaa inaan durba si aad ah ugu dhow nahay xal buuxa,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id. “Laakiin wali hal arrin ayaa harsan — waa in aan helnaa Xamaas.”

Trump ayaa sidoo kale ballan qaaday in Israa’iil ay heli doonto "taageerada buuxda" ee Mareykanka haddii Xamaas ay diiddo heshiiska, si ay tallaabo milatari u qaado.

Netanyahu oo faahfaahin ka bixiyay warkaas ayaa yiri: "Haddii Xamaas diido qorshahaaga, Madaxweyne Trump, ama ay si been ah u ogolaato laakiin ay ka shaqeyso burburintiisa, markaas Israa’iil iyada ayaa hawsha dhameystiri doonta."

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in Xamaas ay heshay soo-jeedinta qorshahan isla markaana ay hadda si "daacad ah" u eegayso.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa si diirran u soo dhoweeyay qorshahan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay u dhaqaaqaan xalkaas.

“Hadda waa in Xamaas ogolaataa qorshahan oo ay joojisaa silica shacabka, iyadoo hubka dhigeysa isla markaana sii deyneysa dhammaan maxaabiista weli gacanteeda ku jira,” ayuu yiri Starmer.

Dalalka Carabta iyo kuwa Muslim-ka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiska, iyadoo Hamas ay sheegtay inay ka fiirsanayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM