Sidee uga falcelisay Masar heshiiska ay wada gaareen Israa’iil iyo XMS?

Image

CAIRO (GO) - Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas.

Al-Sisi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dhexdhexaadinta Masar-Qatar-Maraykanka ee heshiis xabbad-joojin bini’aadantinimo lagu fulineyo Qasa.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay sii wadida dadaalka Masar ee lagu doonayo in lagu gaaro xal waara iyo dammaanad qaadka xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta."

Israa’iil iyo Xamaas ayaa maanta gaaray heshiis lagu sii dayn doono 50 haween iyo caruur u dhashay dalka Israa’iil muddo afar maalmood gudahood, muddadaas oo dagaalku uu joogsan doono, sida ay sheegtay Reuters.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM