Silvia Romano oo aqal-gashay kana guurtay magaalada Milan

Image

ROMA, Italy – Silvia Aisha Romano ayaa gabi ahaanba waxay ka gaartey magaaladii ay ku nooleyd ee Milan, waxaana ay la gashay nin ay is jeclaayeen tan iyo yaraantooda, sida ay qortey warbaahinta maxaliga ah ee dalka Talyaaniga.

Jariiradda La Republica ayaa tibaaxdey in Silvia iyo seygeeda Paolo P ay dageen Campegine, oo ah magaalo yar una dhaxeysa Milan iyo Bologna. Paolo P waa Talyaani balse sal ahaan wuxuu kasoo jeeda waddanka Serbia.

Sida ay daabacdey shabakadda MilanoCorriere, Paolo P wuxuu haystay Diinta masiixiga. Balse wuxuu u Islaamay si uu u guursado xaaskiisa Silvia.

Silvia Aisha Romano ayaa November, 2018 waxaa waqooyi-barri Kenya ka qafaashay maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab. Hasa ahaatee, waxay xorriyadeeda dib u heshay May, 2020 iyaddoo dib ula bilowday reerkeeda degan Italy.

Warfidiyeenka Talyaaniga ayaa wariyey in haweenayda ay lahayste ku ahayd Soomaaliya tan iyo markii la afduubtey laguna soo daayey madax furasho.

Shabakadda MilanoCorriere ayaa daaha ka rogtay in Silvia iyo seygeeda Paolo uu xiriir jaceyl ka dhaxeeyay kahor afduubka isla markaana uu xiriirkooda maqnaa mudadii ay gacanta kooxda argagixisadda ku jirtay marwadiisa haatan.

"Markii lasoo daayey wuxuu la sameeyay xiriir wayna is-jeclaadey. Paolo P wuxuu ka helay diinta Silvia wuuna qaatay. Ugu dambeyntii, waxay ku aqal galeen qaab Islaamig ah," ayaa la raaciyey warbixinta ay daabacdey majaladda.

Sheekada oo ay si weyn u hadalheyso warbaahinta Talyanaiga ayaa waxay meesha ka saareysaa warar soo ifbaxay markii lasii daayey Silvia oo ahaa in uu guursaday dagaalame ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay u leedahay uur.

Sikastaba ha ahaatee, Silvia oo intii ay Soomaaliya lahaystaha ku hayad la baxdey magaca Caasha ayaa haatan ku shaqeysata xirfadda macalinimadda iyaddoo dadka barta luuqado qalaad oo ay baratay mudadii ay ku sugneyd qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM