Silvia Romano oo dil "loogu hanjabay" kadib markii ay Islaamtay

Image

MILAN, Italy – Silvia Romano ayaa heleysa fariimo hanjabaadyo dil ah oo isa soo taraya kadib markii ay xaqiijisay in ay Diinta Islaamka qaadatay, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Talyaaniga.

Mareega Sputnik News ayaa qoray in fariimaha oo ay qayb ka yihiin kuwa cabsi-gelin ah ay kaga imaanayaa baraha bulshadda iyo kuwa si gaar ah loogu beegsanayo goobta ay ka degan tahay magaaladda Milano.

Sidda ku xusan warbixinta, ciidamadda la dagaalanka "argagixisadda" ee Talyaaniga ayaa bilaabay baaritaano la xiriira fariimahaas. Shaqsiyaad aanan la magacaabin balse la tuhunsan yahay ayuu baaritaanku ku socdaa.

Silvia Romano, madaxa ciidanka argagixiso la dirirka ee Milano, ayaa la sheegay in uu hogaaminayo baaritaanka iyo baadigoobka shaqsiyaadka.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in qof ay shaqo wadaag yihiin Romano ay kamid tahay dadka loo cagajugleeyay. "Waxaa loo sheegay in aysan wax badan sii joogi doonin," ayay warbaahinta kasoo xigtay laamaha amniga.

Walwalka qoyska

Jaraa'idka Corriere della Sera ayaa xubin ka tirsan qoyska Salvia Romano kasoo xigtay in ay aad uga walwalayaan fariimaha ay heleyso gabadhooda, kuwaas oo uu ku eedeeyay shabakado abaabulan oo baraha bulshada ah.

Jaraa'idka ayaa wuxuu intaas ku daray in shabakadaas ay yihiin "cadaan xagjir ah isla markaana looga bartay fekeraha Islaam-naceybka".

Ciidamadda Booliska ayaa lagu waddaa in ay soo bandhigaan natiijadda kasoo baxda baritaanka ay haatan wadaan, kaas oo ka jawaabi su'aalo ay kamid tahay hadii gabadha loo beegsanayo dookheeda Diinta Islaamka.

Silvia Romano oo madax u ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka waxaa laga soo qafaashay Kenya bishii November, 2018. Balse, waxay dib u heshay xorriyadeeda Sabtidii todobaadkan, 9-ka May, 2020.

Warar kala duwan ayaa ku xeeran qaabka ay xorriyadeeda ku heshay. Saxaafadda dalkeeda hooyo waxay isku raacday in madax-furasho lagu soo daayey. Balse, xukuuamdda Roma ayaanan wali si furan uga hadlin arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM