Silvia Romano oo "noqotay" safiirka Yurub ee la dirirka Islaam-naceybka

Image

ROMA, Italy – Silvia Romano, haweenaydii Al-Shabaab kasoo qafaalatay Kenya, mudada sanadka ahna lagu haystay Soomaaliya, ayaa ka qeyb-qaadanaysa mashruuc uu uruka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Jariirada afka dheer ee La Repubblica ayaa talaabadan ku macneeyay in Silvia ay noqontay danjiraha qaarada Yurub ee la dagaalanka Islaam-naceybka.

Haweenaydan ayaa "si aan qasab ahayn" ku Islaamtay mudadii ay lahaystaha ahayd, waxaana ay magaceeda u bedelatay Caa'isha.

Mashruuca ay haweenaydan ka qeyb-qaadaneyso ayaa lagu magacaabaa YES, waxaana laga fulinayaan magaalada ay degan tahay ee Milan.

Ururo kale oo lagu kala magacaabo Fondazione L'Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto Aisha ayaa ololahaan kaalin muuqata ka cayaari doona.

Waajibaadkooda ugu weyn ayaa wuxuu yahay in ay soo uruuriyaan macluumaad lagu taageerayo dadka la kulmay dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan.

War qoraal ah oo lagu daabacay mid kamid ah ciwaanada Facebook ee ururadaas ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin la shaqeynta Caa'isha.

"Anagoo ah sideed ruux marka lagu daray Caa'isha waxaan uruurin doonaa kiisaska lasoo wariyo ee Islaam-naceybka iyo tabashooyinka, waxaana taageeri doonaa dhibaneyaasha la kulmay tacadigaas anagoo siin doona garab istaag sharci iyo mid maskaxeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Silvia Romano, 27-sano jir, ayaa dhankeeda la kulantay cunsuriyad badan markii ay dalkeeda dib ugu laabatay. Mas'uuliyiin ayaa kamid ahaa dadka weerarka dhanka baraha bulshadda ku qaadey, wallow ay ka cudur-daarteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM