Singapore oo daldashay nin lagu helay ka ganacsiga xashiishka

Image
Waa dilkii labaad oo muddo saddex toddobaad gudahood ah laga fuliyo dalkaan.

LONDON, United Kingdom - Singapore ayaa daldashay nin loo maxkamadeeyay in uu ka ganacsanayay xashiishadda, waana dilkii labaad oo muddo saddex toddobaad gudahood ah laga fuliyo dalkaan.

Ninkan oo 37-sano jir ahaa kana soo jeeda qowmiyadda Malay Singaporean ayaa lagu toogtay xabsiga Changi ee ku yaal xeebta bari ee jasiiradda subaxnimadii Arbacada maanta ah.

Fulinta xukunka dilka toogashadda ayaa timid kadib markii daqiiqaddii ugu dambeysay uu isku dayay in dib loo furo kiiskiisa ay diiday maxkamadda racfaanka iyada oo aan la dhageysan.

Ninkan, oo aan magaciisa la sheegin sababtoo ah qoyskiisa oo codsaday ayaa dambiga waxaa lagu helay 2019 gaar ahaan ka ganacsiga 1.5 kiiloogaraam (3.3 rodol) oo xashiishad ah.

Kokila Annamalai oo ka tirsan Ururka Caddaaladda Isbeddelka u ololeeya baabi'inta ciqaabta dilka ee Singapore ayaa si weyn u cambaareeysay dilka toogashadda lagu fuliyey shaqsigan.

"Dalab uu ku doonayay in uu kiiska dib u furo ayaa ku saleysnaa cadeymo DNA-da ah iyo faraha oo ku xiray lacag aad uga yar, taasoo uu qirtay inuu haysto, balse maxkamadda ayaa diiday," ayay raacisay.

26-kii Abriil ee isla sanadkan 2023-ka, Singapore waxay daldashay Tangaraju Suppiah oo 46 jir ah laguna eedeeyay ka ganacsiga in ka badan 1kg (2.2 rodol) oo xashiishad ah.

Kahor inta aan tiirka la geyn, qoyskiisa iyo dadka u ololeeya ka hortagga xukunka dilka toogashadda ayaa codsadey in loo naxariisto taas oo soo jiidatay indhaha caalamka.

Sanad ka hor, Nagaenthran Dharmalingam, oo ah Malaysian naafo waxbarashadda, ayaa lagu fuliyey dil toogasho taas oo dhalisay caro iyo mudaaharaadyo naadir ah oo ka dhacay magaalooyin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM