Singapore oo guul taariikhi ah kasoo hoyday ciribtirka Covid19

Image
Singapore ayaa waxay soo sheegtay 113 caabuq oo cusub Sabtiddii.

SINGAPORE, Singapore - Singapore ayaa waxay si buuxda u tallaashay 80 boqolkiiba 5.7 milyan ruux ee ku nool dalkaas kuwaasoo u nuglaa COVID-19, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

Talaabadan waxay dalkan ka dhigaysaa waddanka illaa haatan talaalay dadka ugu badan guud ahaan caalamka waxaana lagu sifeeyay in ay tahay guul taariikhi ah oo dalkan u soo hooyatay.

Wasiirka Caafimaadka ee Singapore Ong Ye Kung ayaa ku sheegay bartiisa Facebook Axadii "Waxaan ka gudubnay marxalad kale, halkaas oo 80% dadkeenna ay heleen laba goojo".

"Waxay la macno tahay in Singapore ay qaaday tallaabo kale oo hore loogu qaadayo sidii aan nafteena ugu adkaysan lahayn COVID-19," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Dhacdadan soo korortay ayaa sidoo kale dalkan yar waxay ka dhigaysaa waddanka mudada ugu yar ku dhameystiray hanaanka talaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dalalka kale ee leh tallaalka aadka u sarreeya waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Uruguay iyo Chile, kuwaas oo si buuxda u tallaalay in ka badan 70 boqolkiiba dadkooda.

Singapore, oo ololaheeda tallaalka billowday bishii Janaayo, ayaa waxay inta badan ku tiirsanayd wax soo saarka shirkadaha caalamiga ah ee Pfizer-BioNTech iyo Moderna.

Singapore ayaa waxaa la sheegay in ay diiwaangelisay wadar ahaan 67,171 xaaladood iyo 55 dhimasho tan iyo markii masiibada bilaabatay. Waxay soo sheegtay 113 caabuq oo cusub Sabtiddii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM