​Siria: Mucaaradka oo diiday xabad joojinta

Image

Mucaaradka dalka Siria gaar ahaa  jabhadaha dagaalka kawada dalkaas, ayaa ku gacan sayray hishiiska ay ku dhawaaqeen wadamada lugta kula jira xaaladda dalkaas, iyagoo sheegay inay dagaallamayaan inta hogaanka laga tuurayo madaxweyne Bashar al-Asad. 

Jabhadaha, ayaa tilmaamay in dalku xasilooni helayn ilaa inta uu jagada banaynayo hogaamiyaha waddankaasi. 

Dhanka kale waxay ku eedeeyeen dalka Ruushka duqaynta uu la beegsanayo goobaha ay ku suganyihiin mucaaradka waddankaas. 

Qaadacaada mucaaradka Siria, ayaa timi kadib markii wadamada kulanka uga socda Munich Jarmalka, ku dhawaaqeen todobaad xabad joojin ah, taasoo ay sheegeen in wax looga qabanayo xaaladda bini'adanimo ee kajirta goobaha qaybtood.

Madaxweyne Asad, ayaa dhinacahiisa ku gacan sayray tallaabadaasi, isagoo wacad ku maray in sanad qura gacanta ku dhigi doono waddanka oo idil. 

Go'aamadan kala duwan ayaa soo baxay xilli laga dayrinayo nolosha dadka ku dhaqan dalkaas gaar ahaan dumarka iyo dhallaanka, waxaana soo food saaray xaalad aad u adag kadib markii ay go'doomiyeen duqaymaha iyo dagaallada socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM