Siyaasi Lubnaanees ah oo sheegay hadal meel ka dhac ku ah Soomaaliya

Image

BAYRUUT, Lubnaan – Lebanon waxay todobaadyo gudahooda ku noqon doontaa "Soomaaliya cusub" hadii hay'addaha garsoorka ay la siin fursad ay ku ciribtiraan musuqmaasuq, sidda uu xusay siyaasi wadankaas u dhashay.

Marwan Hamadeh oo soo noqdey wasiir dhowr wasaarado soo maamulay ahaana Xildhibaankii koowaad ee isu casilay qaraxyadii dadka badan ku laayay Bayruut 4-tii August ayaa erayada sheegay xilli uu u waramayey TRT.

80-sano jirkaan ayaa taageeray qorshe uu Midowga Yurub damacsan yahay kaasoo ah in ay faragelin ku sameeyaan jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Lubnaan si ay xal waara ugu keenan eedaha lunsashadda.

Wallow uu shaki ka muujiyey in taageerada EU-da noqon doonto mid quman, Hamadeh ayaa u sacabo tumay in la maxkamadeeyo eedeysaneyaasha oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin ay ku jiraan wasiiro iyo garsooreyaal.

"Waxaan u maleynayaan in ay ahayd in aan mar sii horeysay bilowno, waana taageerayaan hindisahaan," ayuu telefishinka Turkiga laga leeyahay ee TRT World u sheegay xilli uu kasoo hadlayey magaala madaxda Beirut.

Iyagoo ka shidaal-qaadanaya soo-jeedin kaga timid Xildhibaan Faransiis ah, baarlamaanka Midowga Yurub oo si dhow isha ugu hayey musuqmaasuq Lubnaan ayaa la filayaa in ay xaalada dalkaas ka shiraan September.

"Hadii aanan helin waxyaabo horey noosii dhaqaajinaya, garsoorkana uusan furinta hore ka shaqeyn, waxaan ku noqon doonaa Soomaaliya cusub muddo asbuucyo gudaheeda ah," ayuu hadalkiisa ku daray Hamadeh.

Inkasta oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay mas'uuliyiin loo maxkamadeeyay musuqmaasuq, warbixintii hay'adda Transparency ee 2019 waxay Soomaaliya gelisay kaalinta koowaad ee dalka ugu wax-is-dabamarinta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM