Somali lagu xakumey dalka Mareykanka

Image

NEW YORk_ Maxkamad ku taalla magaalada New York dalka Mareykanka ayaa xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay sagaal sano ku riday wiil Somali ah oo lagu magacaabo Mahdi Xaashi da'a ahaanna jira 26 sano, kaasoo qirtay inuu taageero siiyay Al-Shabaabta Somalia.

Xukunkan kan lamida ayaa toddobaakdii hore lagu riday laba nin oo heysta dhalashada Sweden oo Mahdi lala soo dacweeyey kuwaas oo lagu kala magacaabo Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf waxaana dusha looga tuuray 11 sano oo xabsi ah.

Xeer ilaaliyaasha gacanta ku hayay dacwadda raggan ayaa sheegaya intii u dhexeysay Decemberr 2008 ilaa August 2012 in shakhsiyaadkan ka tageen Britain iyo Sweden, una safreen Somalia iyagoo ku biiray kooxda Shabaab ee ka dagaallanta Somalia.

Waxay sidoo kale xeer ilaalintu cadaysay inaysan hayn cadaymo ku aaddan in raga la xukumay qaybtood usoo dagaalameen ururkaas.

Bishii August 2012, ayaa saddexda nin ee la xukumay lagu xiray dalka Jabuuti iyagoo xilligaas u socda dalka Yemen oo ay qorshaynayeen inay ku biiraan Al-Qaacidda sida ay dacwoogayaasha sheegeen.

Qareenada u doodayay xukumanayaasha ayaa tilmaamay in lagu jirdilay Jabuuti kahor intaan loo gacan galin dalka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM