Somaliland: Muranka xisbiga Kulmiye ee kordhey, Wasiiro is-casiley

Image

26 October, 2015 (GO)-Wararka aan ka helayno magalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegay inay is-casileen wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda, waxaan sababay khilaaf soo kala dhex galay wasiiraddaasi iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Kulankaan oo ka dhacey madaxtooyada Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud Silaanyo u sheegey musharaxiinta kale ee xisbiga islamarkana ah xubnaha ugu tunka weyn golaha wasiirada in Muuse Biixi Cabdi yahay musharaxa xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha dowlada Somaliland ayaa waxaa jirey balamo siyaasadeed oo horey uga dhexeeyey.

Go'aanka madaxweynaha Somaliland ayaa ka careysiiyey musharaxiinta kale ee xisbiga iyo tageerayaashoda taasoo sababtey in maanta is-casilaan 9 xubnood oo isugu jira wasiiro, ku -xigeeno.

Xubnaha Wsaiirada, ku xigeenada iscasiley kuwasoo ka caroodey go'aanka madaxweyne Silaanyo ayaa kala ah:

Wasiirka arrimaha dibada Maxamad Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan 
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Farax Cilmi Geedoole
Wasiirka Howlaha Guud Cabdirizaq Khaliif Axmad
Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmad Caydiid
Wasiirka Beeraha Somaliland Maxamad Aw-Daahir
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Aw-Daahir
Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmad Saleebaan Dhuxul

Kala soco warsidaha Garowe online wararka kasoo kordha iyadoo kulan xubnahaan iyo tageerayaashooda uga socda Hotel Mansoor.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM