Somaliland: Muuse Biixi oo Hargaysa lagu doortay [Dhagayso]

Image
Image

10 November, 2015(GO)-Waxaa manta magalada Hargaysa xarunnta Somaliland ka furmay shirkii 5-aad ee Golaha Dhexe Xisbiga kaasi oo maalmahan qaban qaabadiisu socotay.

Shirkan oo si weyn loo sugayay isla markaana ahaa mid aad looga hadal hayay magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Ergo ka badan 365 Qof.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah aasaasaha xisbiga Kulmiye ayaa goobta ka sheegay inuu tanaasulay islamarkaana uusan mar 2aad isa soo sharaxayn.

"Waxaan u tanaasulay inaan fursad siiyo kuwii sanado badan ila soo halgamaayay, waxaan rabaa inaan Somaliland kaga tago waddo aan horey loogaga tegin, waxaan diyaar u ahay inaan u tanaasulo saaxiibadaydii ila soo dadaadalay” Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Musharaxa Muuse Biixi Cabdi ayaa goobta lagu doortay, waxuuna tartan la gali doonaa labada musharax ee ka soo baxay xibiyada Wadani iyo Ucid.

Muuse Biixi ayaa ahaa Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudo laba sano ah, wuxuuna aad  ugu dhow-yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dhanka kale, xibsiga ayaa doortay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil "Saylici" oo u taagan mar labaad jagada madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, wuxuuna la tartamay, wasiirka wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed "Xaglo-toosiye".

Saylici ayaa helay 230 cod, halka 114 uu helay Xaglo-toosiye.

Musharaxa laga guulaystay ayaa u hambalayeeyay labada hogaamiye ee doorteen xisbiga Kulmiye kuwaasi oo loollan la gali doona murashaxiinta ka soo baxa labada xisbi ee kale.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu jiray khilaaf xooggan oo ka dhex taagan xisbiga Kulmiye, taasi oo keentay inay boosaskooda baneeyaan wasiirro ka tirsan maamulka Somaliland, ka dib markii uu Siilaanyo taageero u muujiyay Muuse Biixi.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM