Soomaali internet-ka ku dhacay $253k oo xukun lagu riday

Image
Cabdisalaam Daahir, 20-jir ku takhasusay cilmiga kumbuyuutarka, ayaa la sheegay in uu dambiga qirtay.

LONDON, Britain - Arday internet-ka dad uga dhacay lacag dhan $253,912 isaga oo iska dhigaya in uu ka tirsan yahay shirkadaha Royal Mail iyo HMRC ayaa waxaa lagu xukumay ku dhawaad ​​laba sano xabsi ah.

Cabdisalaam Daahir, oo ah Soomaali 20 jir ah ayaa takhasusay cilmiga kumbuyuutarka. Wuxuu degan yahay xaafada Enfield ee Waqooyiga caasimada Ingiriiska e London.

Sida ay warisay Daily Mirro, Daahir ayaa farriimo khiyaano ah u diray rayidka. Dhambaalada waxaa  loo malaynayaa inay ka ka yimaadeen Royal Mail, bangiyada waaweyn UK iyo shirkadaha taleefannada gacanta.

Eedeymaha loo maxkamadeeyay waxaa ka mid ah haysashada maqaallo loo isticmaalo khiyaanada iyo dhaqidda lacagta, ka dib baaritaan ay sameeyeen hay'ada DCPCU, oo baarta khiyaanada warshadaha bangiyada.

Saraakiisha ayaa guriga Daahir kasoo helay aalado dhijitaal ah kuwaasoo ay baarayaan waxayna ogaadeen inay ku jiraan faahfaahinta shaqsiyeed boqolaal dhibane halka lacag badan laga helay cinwaankiisa.

Dambi-baare Stephen Reilly oo ka tirsan DCPCU ayaa yiri: "Daahir wuxuu isku dayay inuu khiyaaneeyo dadweynaha isagoo u soo diray qoraalo been abuur ah oo uu ku sheegayo inay ka yimaadeen ururo dhab ah dantiisa gaarka ah".

Daahir ayaa qirtay dambiga ah in uu sameeyay khiyaano isaga oo adeegsanaya been abuur. Maxkamadda Crown Court ayaa xukunka ku riday. Ma cadda haddii uu haysto fursad uu ku qaadan karo rafcaan.

Farriimaha ayaa sheegaya in dadka lagu leeyahay canshuur celin, warbixintooda xisaab-celinta ay ku jirto dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn iyo in ay wajahayaan haliso kaga imaanaya mareegtada khiyaanadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM