Soomaali kamid ah 15 qof oo loo qabtey "fal sharci darro ah"

Image

BUCHAREST, Romania - Ciidanka ilaalada xuduudaha Romania ayaa waxay xabsi u taxaabeen 15 muhaajiriin oo ay Soomaali kamid yihiin, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee wadankaas.

Dalalka kale ee tahriibeyaashan da'doodu u dhaxeyso 16 illaa 52 sano jir isla markaana laba kamid ay yihiin caruur da'dooda u dhaxeyso  saddex iyo afar sano jir ayaa kala ah Suuriya iyo Ciraaq.

War-saxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska ilaalada xuduudaha Romania ayaa lagu caddeeyay in shaqsiyaadkan ay wajahayaan su'aallo waydiin ku saabsan qaabka ay kusoo socdaaleen iyo hadafkooda.

Sida ku xusan bayaanka, qaxootigan oo lagu qabtey magaalada Turnu Severin ee Mehedinți ayaa gacanta lagu dhigay ka gedaal markii ay doon kaga soo gudbeen Webiga Danube.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in qaxootiga ay ka yimaadeen Serbia. Ma cadda haddii bartilmaameedooda uu ahaa Romania iyo in ay ku fekerayeen in ay uga sii gudbaan wadamo kale 

"Ciidamadda ilaalada xuduudaha waxay qaadi doonan baaritaano dheeraad ah iyaga oo kadib qaadi doona talaabooyinka daruuriga ah ee ku haboon," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Qulqulka qaxootiga ee Yurub ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si weyn hoos ugu dhacay sababo ku aadan safmarka Covid-19, hase ahaatee, waxay u muuqaneysaa mid dib u bilaabaya bilooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM