Soomaali qiratay in ay ku biirayeen ISIL oo la musaafurinayo

Image
Qorshahooda ayaa ahaa in ay safari bilaabaan dabayaaqadii 2018 balse waxaa la xiray bishii Luulyo 26, 2019.

WASHINGTON, USA - Laba muwaadin oo Somalia ah, kuna nool magaalada Tucson gobolka Arizona ee Mareykanka, ayaa qirtay dambi ah in ay taageero maaliyadeed iyo agab u fidiyaan kooxda ISIL.

Labadan ruux ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen, oo 25 jir ah.

Sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Arizona, labadan ruux ayaa ku heshiiyay inay u safraan Masar si ay uga garab-dagaalamaan Daacish gacanka Siinaay.

Qorshahooda ayaa ahaa in ay safari bilaabaan dabayaaqadii 2018 balse waxaa la xiray bishii Luulyo 26, 2019.

Xeer-Ilaaliyaha Degmada Arizona ayaa carabka ku adkeeyay in xukunka labada ruux oo diyaarada lagala soo tagay uu noqon doono in laga saaro guud ahaan dalka Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kuras oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ee qaarkood ka dagaalamo Soomaaliya lana soo tarxiilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM