South Sudan oo wajahaysa "xaaladii ugu xumeyd" ee bini'aadanimo

Image
Guddigan ayaa waxay muujiyeen "walaac" iyo "walbahaar qoto-dheer" oo ay ka qabaan weerarrada qowmiyadaha.

NAIROBI, Kenya - Rabshadaha ka socda Koonfurta Suudaan ayaa ah mid ka mid ah xasaradaha bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka, sida ay sheegeen guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Guddigan ayaa waxay muujiyeen "walaac" iyo "walbahaar qoto-dheer" oo ay ka qabaan weerarrada qowmiyadeed ee ka dhacaya meelo ka baxsan caasimadda Juba.

"Xaaladdan ka jirta Koonfurta Suudaan waa mid ka mid ah xasaradaha xuquuqul insaanka iyo bini'aadantinimo ee ugu weyn ee dunidu soo food saartay," Barney Afako, oo xubin ka ah guddiga, ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Wuxuu raaciyey: "Dhibaatada dalka oo dhan ayaa weli ah mid aad u weyn. Haweenka iyo gabdhaha Koonfurta Suudaan waxay la kulmayaan xad-gudubyo dhanka jinsiga ah oo aan la sheegi karin".

Afako oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku booriyay dowladda in ay muhiimadda koowaad siiso nabadda, isla markaana ay soo afjarto colaadaha soo noqnoqday ee dalka ka socda.

Pope Francis oo dhowaan tagay ku tagay waddankan ayaa codsi kan la mid ah uu ku jeediyay isla booqashadiisa taariikhiga ah horaantii bishaan, laakiin rabshadaha ayaa sii faafaya mana muuqato xal waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM