Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Image

Spain ayaa xirtay hawadeeda diyaaradaha milatari ee Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya weerarrada ka dhanka ah Iran, iyadoo ballaarisay xayiraad hore oo la xiriirtay adeegsiga saldhigyada milatari ee si wadajir ah loo maamulo.

Wasiirka Gaashaandhigga Spain, Margarita Robles, ayaa sheegtay in Madrid aysan oggolaan doonin in la isticmaalo saldhigyada milatari ama hawada dalka ee hawlgallada la xiriira dagaalka Iran. “Ma oggolaaneyno isticmaalka saldhigyada milatari ama hawada dalka falal la xiriira dagaalka Iran,” ayay u sheegtay saxafiyiinta.

Go’aankan ayaa ku qasbaya diyaaradaha milatari ee Mareykanka inay maraan waddooyin kale, inkasta oo duullimaadyada degdegga ah laga reebay xayiraadda. 

Wasiirka Dhaqaalaha Spain, Carlos Cuerpo, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso diidmada Spain ee dagaal si hal dhinac ah loo bilaabay isla markaana “ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.”

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel, halka Donald Trump uu ku hanjabay tallaabooyin ganacsi oo aargoosi ah. 

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM