Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Image
Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

MOSCOW, Russia - Sri Lanka ayaa xirtay labo askari oo hore uga mid ahaa ciidamada dalkaas, oo uu ku jiro Jeneraal, kuwaas oo u kamid noqdey militariga Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine, sida ay sheegtay warbaahinta.

Askartan jasiirada ku taal koonfurta Aasiya ayaa la sheegay in ay si qarsoodi ah ugu socdaaleen dalka Ruushka isla markaana ay halkaas uga dagaal-galeen xukuumadda Moscow.

Website-ka Newswire ayaa sheegay Khamiista maanta ah in booliska Sri Lanka ay howlgal kusoo qabteen labada askari kuwaas oo si dhuumaaleysi ah uga soo laabtey howlgalkooda.

Laamaha dambi baarista ee CID-da ee dalka Sri Lanka ayaa soo xiray eedeysanayaasha da’dooda lagu kala sheegay 67-sano iyo 50-sano jir, sidda laga soo xigtey warbixinta.

Sarkaal darajadiisa lagu sheegay Sarreeye Gaas hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa la tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay falkan ay sameeyeen ciidamadda.

Labada qof ayaa degan magaalada Kurunegala ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed. Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM