Sucuudiga iyo xulafadiisa oo mar labaad duqeymo ka fuliyey Yemen

Image

March 26, 2015 (GO)- Diyaaradaha dagaalka ee boqortooyada Sucuudiga iyo dhowr dal oo kale oo ka tirsan Khaliijka iyo Jaamacadda Carabta ayaa maanta mar kale duqeeyey fariisimaha mileeshiyaadka Xuuthiga.

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xiganeysa mas'uuliyiin ka tirsan militeriga dalkaas ayaa baahisey in duqeymahan lagu burburiyey dhammaan difaacyadii dhanka cirka ee Xuuthiyiinta islamarkaana lagu gubey afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo beteriyada ku rakiban goobaha gantaalaha Sam-ka loo yaqaano laga rido.

Khasaaraha nafeed ee ilaa iyo hadda la ogyahay ayaa gaaraya dhimashada 18 qof iyo dhaawac soo gaarey ku dhowaad konton qof oo kale.

Hawgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Xuuthiga oo loogu magac daray (Duufaanta kala baxa) waxaa ka qayb qaadanaya ku dhowaad toban dal oo kala ah: Saudi Arabia, UAE, Kuwait,  Bahrain, Qatar, Egypt, Jordan iyo Sudan.

Wadamada Marocco iyo Pakistan ayaa la filayaa inay hawlgalkan kusoo biraan, waxase hawlgalkan ka gaabsadey dalka Oman oo Yemen ay deris yihiin.

Reer galbeedka ayaa soo dhoweeyey tallaabadan, balse dowladda Iran ayaa kasoo horjeedsatey kuna baaqdey in si dhaqso ah loo joojiyo faragelinta militeri ee Yemen lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM