Sucuudiga oo hawlgal militeri ka fuliyey gudaha dalka Yemen

Image

March 26, 2015 (GO)- Hawlgal militeri oo ay toban dal oo Carab ahi ka qayb qaadanayaan islamarkaana dowladda Sucuudigu hoggaamineyso ayaa maanta ka bilowdey gudaha dalka Yemen.

Diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa goor hore oo saaka ah (Khamiis) duqeeyey bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Cadan.

Goobaha la duqeeyey waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha Cadan, dhowr saldhig oo mileeshiyaadka Xuuthiga fariisin u ahaa, bakhaarrada hubka lagu kaydiyo iyo guriga uu  Sanca ka deggen yahay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Washington Adil el Jubeir ayaa xaqiijiyey in militeriga Sucuudigu hawgallo ka fuliyeen gudaha Yemen, isagoo xusey in tallaabadani jawaab u tahay codsigii ka yimid dowladda Yemen.

"ujeedada hawlgalkani waa sidii loo difaaci lahaa dowladda sharciga ah ee Yemen loogana horjoogsan lahaa mileeshiyaadka Xuuthiga inay dalka Yemen oo dhan gacanta ku dhigaan" ayuu yiri.

Dhanka kale, Mohammed al-Bukhaiti oo ah mas'uul sare oo ka tirsan garabka siyaasiga ah ee mileeshiyaadka Xuuthiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto faragelinta mileteri ee Sucuudiga, suuragalna ay tahay in gobolka uu ka qarxo dagaal baahsan oo saameyn ku yeesha dhammaan gobollada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM