Sunak oo lagu eedeeyay Khiyaano

Image

London (GO) - Wasiiradii hore ee Arimaha gudaha ee boqortooyada Ingiriiska, Suella Braverman ayaa eedeyn kala dul dhacday ra'iisul wasaraha Boqortooyada, Rishi Sunak.

Braverman oo qoraal soo dhigtay barteeda X ayaa ku tiri'' waa nin daciif ah oo aan lahayn tilmaamaha hogaamiyaha wuxuuna khiyaanay amaanadii shacabka ee arimaha soo galootiga''.

Haweeneydaana ayaa todobaad kahor laga qaaday xilkii iyada oo caan ku ahayd sida wayn ee ay uga soo horjeeday dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin ee todobaad kasta ka dhaca London iyada oo ku tilmaantay kuwo nacayb xambaarsan.

Dhawaan waxaa ay ku tilmaantay kuwa ka leexday shaqadoodii oo aan dhex-dhexaad ahayn Booliska London oo iyagu diiday doonisteeda in ay hor istaagaan dibad-bax lagu taageerayay Falastiiniyiinta.

Garowe Online

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM