Sweden oo aqbashay banaanbax lagu gubayo Bible-ka Masiixiyiinta

Image
Sweden oo ay Soomaali badan ku nool yihiin ayaa lagu tirayaa wadamadda reer galbeedka ee ugu cunsuriyada badan.

LONDON, UK - Dowladda Sweden ayaa ogolaanshiyo siisey banaanbax lagu gubayo Bible-ka Masiixiyiinta iyo Torah-ka Yahuuda.

Mudaaharaadkan ayaa qorshuhu yahay in uu ka qabsoomo banaanka safaaradda Isra’iil ee Stockholm.

Safaaradda iyo Ururada Yahuuda ayaa sheegay in ay cambaareynayaan go’aanka dowladda Sweden.

Talaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay isla magaaladan.

Kooxo xagjir ah ayaa afaafka hore ee masjid dab ku qabad-siiyey Kitaabka Qur’aanka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa.

Falkaas ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn iyo carro caalami ah oo ka timid dowladaha Islaamka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Sweden waxa ay ku dhaleeceeyeen in ay ogolaatay isu-soo-baxan.

Sweden oo ay Soomaali badan ku nool yihiin ayaa lagu tirayaa wadamadda reer galbeedka ee ugu cunsuriyada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM