Sweden oo aqbashay banaanbax lagu gubayo Bible-ka Masiixiyiinta

Image
Sweden oo ay Soomaali badan ku nool yihiin ayaa lagu tirayaa wadamadda reer galbeedka ee ugu cunsuriyada badan.

LONDON, UK - Dowladda Sweden ayaa ogolaanshiyo siisey banaanbax lagu gubayo Bible-ka Masiixiyiinta iyo Torah-ka Yahuuda.

Mudaaharaadkan ayaa qorshuhu yahay in uu ka qabsoomo banaanka safaaradda Isra’iil ee Stockholm.

Safaaradda iyo Ururada Yahuuda ayaa sheegay in ay cambaareynayaan go’aanka dowladda Sweden.

Talaabadan ayaa u muuqata mid jawaab u ah Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay isla magaaladan.

Kooxo xagjir ah ayaa afaafka hore ee masjid dab ku qabad-siiyey Kitaabka Qur’aanka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa.

Falkaas ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn iyo carro caalami ah oo ka timid dowladaha Islaamka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Sweden waxa ay ku dhaleeceeyeen in ay ogolaatay isu-soo-baxan.

Sweden oo ay Soomaali badan ku nool yihiin ayaa lagu tirayaa wadamadda reer galbeedka ee ugu cunsuriyada badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM