Sydney: nin dad ku dhex qafaashay goob laga qaxweeyo

Image

December 15, 2014 (GO)- Booliska dalka Australia ayaa sheegay in nin hubeysni uu gudaha u galay goob laga qaxweeyo oo ku taalla bartamaha magaalada Sydney kadibna afduubtay qaar kamid ah dadkii halkaas ku sugnaa.

Muuqaallo laga daawaday telefishinka ayaa muujinaya qaar kamid ah la-haystayaasha oo gacmaha ku haya wajahadda muraayadaha ka sameysan ee maqaayadda.

Waxaa sidoo kale telefishinka laga daawaday calan madow oo ka dhex muuqda goobta, kaasoo u qaab ekaa calanka shahaadateynku ku qoran yihiin ee inta badan kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka ahi adeegsadaan.

Boolisku waxay sheegeen  inay xiriir la sameeyeen ninka hubeysan ee dadku u qafaalan yihiin, faah faahinse kama bixin wixii uu ninkaasi u sheegay iyo weliba tirada guud ee dadka uu haysto.

Ilaa iyo hadda shan qof ayaa iyagoo ordaya kasoo baxay dhismaha, lamana oga in afduubuhu soo daayey iyo inay kasoo baxsadeen.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha Australia Tony Abbott oo dadka kala hadlay telefishinka wuxuu sheegay in aan ilaa iyo hadda la ogeyn ujeedada falkan ka dambeysa.

"ma ogin ilaa iyo hadda ujeedooyinka ninkan dambiilaha ah ku khasbay inuu sidan yeelo, ma ogin in siyaasadi ka dambeyso ma ogin inay waxyaabo kale ku khasbeen" ayuu yiri.

Abbott ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray guddiga amniga qaranka si looga arinsado xaalada soo korortey isagoo dadweynahana ugu baaqay inay is dejiyaan shaqooyinkoodana sidii caadiga ahayd u aadaan. 

Faah faahin dheeri iyo hadba xaaladu meesha ay ku dambeyso dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM