Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday
Washington – Senator-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka South Carolina, Lindsey Graham, oo caan ku ahaa taageerada xooggan ee uu u hayay Israel isla markaana ahaa xulafo dhow oo Madaxweyne Donald Trump ah, ayaa geeriyooday kadib xanuun degdeg ah, sida uu shaaciyay xafiiskiisa.
Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Graham uu u geeriyooday "xanuun kooban oo lama filaan ah."
Wararka ayaa sheegaya in Graham uu la kulmay xanuun dhanka laabta ah iyo wadne istaag isagoo ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Washington, D.C., wax yar kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalada Kyiv ee dalka Ukraine, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.
Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.
Lindsey Graham wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Aqalka Senate-ka Mareykanka, wuxuuna ahaa mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Madaxweyne Donald Trump.
Waxa kale oo uu si weyn ugu ololeyn jiray taageerada Israel, isagoo marar badan ku baaqay in Mareykanku sii xoojiyo taageerada militari iyo siyaasadeed ee uu siiyo Israel, isla markaana uu qaado mowqif adag oo ka dhan ah Iran.
GAROWE ONLINE