Taalibaan oo amaro kusoo rogtay ardayda dumarka ah

Image
Go'aanada cusub ayaa si gaar ah waxay u khuseeyaan goobaha waxbarashadda iyo shaqadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ragga iyo dumarka waa lagu kala saari doonaa xarumaha jaamacadaha Afghanistan, darees cusub oo Islaami ahna waa in ay qaataan haweenka, sidda ay Taliban shaacisay Axadda maanta ah.

Wasiirka Tacliinta Sare, Cabdul Baqi Haqqani, ayaa tilmaamay in haweenka loo oggolaan doono inay wax bartaan, laakiin aan la barbar dhigi doonin ragga.

Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in dib -u -eegis lagu sameeyo maaddooyinka la baro. Dumarka iyo gabdhaha ayaa laga mamnuucay iskuulada iyo jaamacadaha hoos yimaada Talibanka intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001.

Taalibaan oo 20-sano kadib xukunka Afghanistan dib ugu soo laabatay ayaa sheegtay in aysan ka hor-istaagi doonin haweenka inay wax bartaan ama ay helaan shaqooyin.

Laakiin tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 15kii Ogosto, waxay ka codsadeen dhammaan haweenka, marka laga reebo kuwa ku jira waaxda caafimaadka dadweynaha, inay ka fogaadaan shaqada, ilaa xaaladda ammaanku hagaagto.

Ku dhawaaqista siyaasadda tacliinta sare ayaa imaanaysa maalin kadib markii Taalibaan ay calankooda ka taagtay madaxtooyada, taasoo muujineysa bilowgii maamulkooda.

Waxay la wareegeen gacan ku haynta dawladda la doortay bil ka hor kadib markii ay dalkaas ka baxeen ciidamaddii reer Galbeedka ee uu hogaaminayey Mareykanka.

Siyaasaddan cusub ayaa waxaa lagu waramay in ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ka yimid dhaqankii horey loogu bartay ka hor inta aysan Taliban la wareegin awooda.

Kahor inta aysan Taalibaan awooda dib ula wareegin, Jaamacadaha ayaa ahaa kuwa nidaamkooda waxbarasho ku saleysanaa in dumarka iyo raga is-dhexgalaan hase ahaatee waxaa muuqanaysa in laga takhalusayo arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM