Taalibaan oo talaabo u qaadey xiriir ay la yeelato Imaaraadka Carabta

Image
Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka u jaray Talibanka wixii ka dambeeyay weeraradii daaraha mataanaha.

ABU DHABI, UAE - Xukuumadda Taalibaan ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa qunsul cusub u magacawday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo tallaabadan ay tahay isku-day kale oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka Khaliijka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee "Imaarada Islaamiga" ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in C/raxmaan Feda oo ah madaxa hab-maamuuska ee wasaaraddaasi uu noqon doono qunsulka cusub ee magaalada Dubai.

Feda waxa uu bedelay Masood Ahmad Azizi, oo ay soo magacawday dowladii hore ee reer galbeedka ay taageerayeen sanadkii 2020, waxaana uu xilka sii hayay ilaa todobaadkan.

Imaatinka Feda ee Dubai shalay oo Arbaca ahayd ayaa ka dhigan tilaabooyin diblumaasiyadeed oo xiriir ah oo la doonayo in lagu kordhiyo taageerada Imaarada Islaamiga ah ee gobolka.

Horaantii bishan, xukuumadda Taalibaan ayaa waxay dublamaasiyiin ay doorteen u dirtay safaaradda Iraan iyo qunsuliyadda Turkiga, siday u kala horreeyaan.

Dowladda Taalibaan ayaan weli si rasmi ah u aqoonsan waddan kasta. Beesha caalamka ayaa la tacaalaysa sidii ay ula macaamili lahayd madaxda cusub ee dalkaas iyadoo sidoo kale gacan ka siinaysa dadka reer Afgaanistaan ​​inay la kulmaan dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bini'aadantinimo.

Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka u jaray Talibanka wixii ka dambeeyay weeraradii daaraha mataanaha Mareykanka ee loo bixiyey 9/11, balse labada dhinac ayaa yeeshay cilaaqaad aad u adag tan iyo markii Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxay 2021-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM