Taalibaan oo xirtey wadaad caan ka ahaa Afghanistan

Image
Maulvi Mohammad Sardar Zadran ayaa lataliye u soo noqdey madaxweynihii xilka laga qaaday Ashraf Ghani.

KABUL, Afghanistan - Kooxda Taalibaan ayaa xirtay wadaad reer Afgaanistaan ​​ah oo saamayn ku leh dalkaas isla markaana la taliye u ahaa madaxweynihii xilka laga qaaday Ashraf Ghani.

Maulvi Mohammad Sardar Zadran ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa madaxii hore ee golaha qaranka Afghanistan ee culimada diinta, urur diimeedka ugu weyn waddankaas.

Wiilkiisa ayaa tibaaxay in ay kooxda Taliban ku qabatay gobolka Khost. Waxaa la sii daayay sawir u muuqda inuu muujinayo Mr Sardar Zadran oo indhaha ka xiran oo fadhiya.

Wadaadka ayaa leh taageerayaal aad u badan waxaana la soo weriyay inuu ku baaqay kacdoon ka dhan ah Daalibaan oo laba todobaad kahor la wareegtay magaala madaxda Kabul.

Dhanka kale, Taalibaan ayaa ku eedeysay ciidamada Mareykanka ee Kabul inay si sharci-darro ah ugu dhaqmeen markii ay fuliyeen weerar diyaaradeed Axaddii "si looga hortago weerarro kale oo lagu qaado garoonka".

Wareysi uu siiyay telefishinka Shiinaha, afhayeenka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa caddeeyay in Mareykanka ay ahayd in ay soo sheegaan wax kasta oo khatar ku ah kooxda.

Ehelada dhibanayaasha ayaa BBC -da u sheegay in la dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan lix carruur ah. Milatariga Mareykanka wuxuu hadda wada baaritaan ku saabsan duqeynta diyaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM