Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Image
Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

WASHINGTON, USA - Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa ansixiyay howlgal milatari oo lagu qaado magaalada Rafah ee Marinka Qaza, waxaana ciidamada Israa’iil ay hadda duqaynayaan bartilmaameedyo aaggaas, sida ay saraakiishu sheegeen Isniintii.

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo ay diyaariyeen Masar iyo Qatar, taasoo soo afjari karta dagaalka toddobo bilood ah ee Gaza.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Falastiin iyo sarkaal Masar ka tirsan ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo gaaray meel 200 oo mitir u jirta marinka ay ka soo galaan dalka ay deriska yihiin ee Masar.

Sargaalka Masar u hadlay ayaa sheegay in howlgalka uu u muuqday mid xadidan. Isaga iyo TV-ga Xamaas ee Al-Aqsa ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ku wargeliyeen Masaarida in ciidamadu ay baxayaan marka ay dhammeeyaan howlgalka.

Milateriga Israa’iil waa ay diideen inay ka hadlaan. Maalintii Axadda, dagaalyahannada Xamaas ee ka ag-dhawaa isgoyska Rafah ayaa madaafiic ku garaacay koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen afar askari oo Israa’iiliyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM