Tahriibayaal ka tallaabay xadka oo lagu xiray Hungary

Image

15 September, 2015(GO)-Booliska waddanka Hungary ayaa sheegaya inay xireen 60 qof oo doonayay inay galaan Hungary iyagoo ka tallaabaya siliga dhawaan la sameeyay.

Hungary ayaa ku dhawaaqday sharci lagu xakamaynayo qaxootiga ka imanaya Austria ee doonaya inay galaan dalkaasi, waxaana sharcigan awood siinayaa masuuliyinta si loo xiro muhaajiriinta ka soo gudba siliga laga sameeyay xuduuda dalka Hungary.

Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay degmooyinka xuduudda Serbia u dhow, kadib hirgalinta sharci adag oo loogu talagalay in lagu joojiyo dadka sharci darada ku imaanaya waddankaasi.

Booliska Hungary ayaa sidoo kale xiray qad tareen muhiim ah oo tobonaanka kun muhaajiriin ahi Yurub ka soo gali jireen dhanka Serbia.

Midowga Yurub ayaa u muuqda in uusan weli isku afgaran sida loola dhaqmayo muhaajiriinta.

Kulan wasiirrada Midowga Yurub ku lahaayeen Brussels ayay isku afgaran waayeen qaabkii dib u dajin loogu sameyn lahaa 120,000 oo Qaxooti ku sugan Qaaradda Yurub.

Xadka ay wadaagaan Serbia iyo Hungary ayaa lagu soo waramayaa inuu ka jiro mudahaaraad ay sameynayaa muhaajiriin halkaasi ku sugan, iyagoo sheegaya inaysan wax cunayn, waxna cabayn illaa loo ogolaado inay gudbaan.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa jaah-wareer ku noqday qul-qulka qaxooti ka imaanaya Suuriya iyo qaybo ka mid ah Africa, dhawaan ayaana Jarmalku hakiyay qaxootigii gali jiray dalkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM